Saddex kooxood oo ka tirsan Premier League ayaa la ogaaday inay isku dayeen saxiixa Kobbie Mainoo si amaah ah uga soo qaataan Manchester United intii lagu jiray suuqa xagaaga.
Mainoo ayaa dalbaday inuu amaah ku baxo si uu waqti badan garoonka ugu helo xilli ciyaareedkan, balse United ma aysan rabin inay si ku-meelgaar ah uga fasaxaan Old Trafford.
Ma jirin baahi la’aan xiiso u hayey xiddiga khadka dhexe ee 20-jirka ah, iyadoo kooxo badan oo ka kala yimid England iyo dibaddaba ay u gudbiyeen United dalabyo amaah ah.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, saddexda kooxood ee Premier League ee isku dayay inay keenaan Mainoo waa Tottenham, Aston Villa iyo Everton.
Kooxo Talyaani ah oo ay ka mid yihiin Napoli iyo Roma ayaa sidoo kale wax ka weydiiyay Mainoo – sidoo kale kooxda Faransiiska ee Marseille.
Be the first to comment