2026 World Cup: 4 Xul Oo Africa Ah Oo Ogaaday Kulamada Kala Baxa Ee Ay Ugu Soo Baxayaan Koobka Adduunka

Afar dal oo Afrikaan ah ayaa xaqiijiyay in ay ciyaari doonaan kulamo kala bax ah si ay ugu Soo baxaan koobka adduunka ee sanadka dambe.

Tani waxay timid kaddib markii la soo gabagabeeyay kulamadii isreeb-reebka habeenkii Salaasada.

Dalalka uu sii gudbay kulamada kala baxa ah waa Gabon, Cameroon, Nigeria, iyo Congo DR.

Cameroon ayaa ku biirtay kadib markii ay kaalinta labaad kaga dhammeysay Group D, iyadoo Cape Verde ay hoggaamineyso.

Xulka Super Eagles ee Nigeria ayaa 4–0 ku garaacday Benin Republic si ay u kordhiso farqiga goolasha isla markaana u soo baxdo kulamada kala baxa.

DR Congo ayaa guul yar oo 1–0 ah ka gaartay Sudan, taasoo ka dhigtay inay ku dhammaystaan kaalinta labaad ee Group B, iyadoo ka dambeeya Senegal.

Kulamada kala baxa ah ee kama dambaysta ah waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco Morocco laga bilaabo November 13 ilaa 16.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga