17 Xiddig Oo Barcelona Oo Kooxda Kula Guulaystay Koobkoodii Ugu Horeeyay.

Barcelona ayaa ku guuleysatay Copa del Rey markii 32-aad ee taariikhdeeda, taasoo xaqiijineysa inay tahay boqorka koobabka ee koobka Spain.

Guushan ayaa timid ka dib markii kooxda ay 3-2 kaga badisay Real Madrid ciyaartii ugu dambeysay.

Ciyaartan ayaa la macno ah in 17 ciyaartoy oo Barcelona ah ku guulaysteen koobkoodii ugu horeeyay ee Copa del Rey-ga ah markii ay ku soo biireen kooxda xilli ciyaareedkan.

Xiddigahaas waxaa ka mid ahaa Szczesny, Iñaki Peña, Kounde, Casado, Héctor Fort, Eric Garcia, Dani Olmo, Gavi, Fermin López, Lamine Yamal, Pablo Torre, Pau Victor, Andreas Christensen, Raphinha, Margo, Leandow, Balde, iyo Robert Leo, Balde, Héctor Fort.

Marka laga hadlayo xiddigaha horay ula qaaday Barcelona koobab waxa ka mid ah xiddigaha Pedri, Araujo, Frenkie de Jong, iyo Ansu Fati halka André ter Stegen uu yahay ciyaartoyga koobabka ugu badan la qaaday Barcelona isaga oo la qaaday 6 koob.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga