10 Xiddiga Oo Ka Maqnaan Doona Man City Iyo Real Madrid Kulanka Caawa.

Kulanka Manchester City iyo Real Madrid ee UEFA Champions League toddobaadkan ayaa imanaya iyadoo 10 ciyaaryahan ay maqnaan karaan.

Real Madrid ayaa lagu khasbay inay ciyaaraan kulan kala baxa  Champions League kadib markii ay ku dhammeeyeen booska 9-aad ee League Phase, hal boos oo ka hooseeya Manchester City oo ay la ciyaarayaan Arbacada.

Kooxda reer Spain waxay toddobaadkan ku ciyaari doonaan Santiago Bernabéu Stadium, halkaas oo ay ku guuleysteen 4 kulan isla markaana hal mar laga badiyey 5-tii kulan ee ay gurigooda ku ciyaareen Champions League xilli ciyaareedkan, iyagoo dhaliyay 12 gool.

Tababaraha Álvaro Arbeloa ayaa seegi doona 7 ciyaaryahan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Rodrygo (ACL)

Jude Bellingham (murqaha bowdada – hamstring)

Éder Militão (hamstring)

Dani Ceballos (calf)

Álvaro Carreras (calf)

David Alaba (calf)

Sidoo kale Kylian Mbappé ayaa shaki ku jira maadaama uu qabo xanuun jilibka ah oo sii jiitamaya. Arbeloa ayaa sheegay in weeraryahanka Faransiiska “si dhakhso ah uu u soo laaban doono”, balse ay u badan tahay inuusan ciyaari doonin lugta koowaad.

Dhanka kale, tababaraha City Pep Guardiola ayaa isu diyaarinaya kulankiisii 190-aad ee Champions League ee uu tababare ahaan hoggaamiyo, isagoo doonaya inuu kooxdiisa gaarsiiyo quarter-final-ka.

Kooxdiisa waxaa ka maqnaan doona kaliya 3 ciyaaryahan:

Joško Gvardiol (jab lafta)

Mateo Kovačić (canqow / cirib)

Rico Lewis (canqow)

Si kastaba, weeraryahanka Erling Haaland, oo 10 gool ka dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu la ciyaaray kooxaha Spain ee Champions League, ayaa la filayaa inuu soo laabto toddobaadkan kadib markii lagu arkay isagoo tababar la qaadanaya kooxda inteeda kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga