
Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay la ciyaarayso Kooxda Fulham kulan ka tirsan FA Cup.
Man United Oo difaacanaysa koobka ayaa doonaysa in ay ku guulaysato koobka xilli ciyaareedkan si ay u badbaadiso xilli ciyaareedkeeda.
Ka Hor Kulanka kooxda ayaa si weyn ugu dhibaatoonaysa dhaawacyo iyada oi xiddigo badan dhaawac uga maqan yihiin.
Xiddigaha Martinez, Luke Shaw, Mason Mount, Jonny Evans, Bayindir, Tom Heaton, Mainoo, Amad Diallo, Toby Collyer ayaa dhamaantood dhaawacyo Kala duwan ku seegaya kulanka.
Xiddig cusub ee kooxda Patrick Drugu ayaa Ganaax ku seegaya kulanka kadib markii kaadhka cas loo taagay kulankii Ipswich.
Be the first to comment