Newcastle United ayaa guul xiiso leh oo 2-1 ah ka gaartay Manchester United, kulan ka tirsanaa wareegga 29-aad ee Premier League oo lagu ciyaaray garoonka St James’ Park.
Newcastle ayaa ku ciyaartay 10 ciyaaryahan kadib markii Jacob Ramsey la siiyay kaar cas daqiiqaddii 45+2.
Si kastaba, Newcastle ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 45+5 markii Anthony Gordon uu gool ka dhaliyay rigooro.
Daqiiqaddii 45+9, Manchester United ayaa keentay goolka barbaraha kadib markii Bruno Fernandes uu karoos ka soo qaaday laad xor ah, waxaana si qurux badan madax ugu dhaliyay Casemiro.
Daqiiqaddii 90-aad, Newcastle ayaa dhalisay goolka guusha iyadoo William Osula uu ka faa’iideystay weerar rogaal celis ah. Kubadda ayaa gaartay dhinaca midig,
wuxuuna galay xerada ganaaxa kadibna ku dhuftay darbo xooggan oo gashay shabaqa Manchester United.
Natiijadan kadib, Manchester United waxay ku hartay 51 dhibcood iyagoo ku jira booska 3-aad, halka Newcastle United ay gaartay 39 dhibcood oo ay ku jirto booska 12-aad ee kala sarreynta horyaalka.
Be the first to comment