Zlatan Ibrahimovic Oo Soo Doortay Shaxdiisa Riyada.

Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa soo xushay shaxdiisa riyada ee kubada cagta isaga oo soo doortay 11 xiddig oo uu u doortay shaxdiisa.

Zlatan Ibrahimovic oo haatan ku dhaw in uu ka soo laabto dhaawac uu uga maqnaa kooxda Ac Milan ayaa la waydiiyay in uu doorto shaxdiisa riyada.

Xiddiga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa soo xushay 11 xiddig oo uu u doortay shaxdisa riyada kubada cagta taariikhdeeda.

Zlatan Ibrahimovic ayaa soo xushay dhamaan xiddigo ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta marka laga reebo xiddiga Bufffon kaas oo haatan u ciyaara Juventus.

Waxa weerarka wada hogaaminaya xiddigaha Maradona iyo Ronaldo halka ay khadka dhexe wada hogaaminayaan xiddigaha Zidane, Xavi iyo Nedved.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*