Zlatan Ibrahimovic Oo Ac Milan Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Inter Milan.

Kooxda Ac Milan ayaa garaacday koxda ay jaarka yihiin ee Inter Milan iyaga oo ku gacan sareeyay Derby Milan kulan xiiso iyo xamaasad lahaa.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood ku bilowdeen si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan.

Kooxda Ac Milan oo ahayd kooxda ugu cad-cadayd kulanka ayaa samaysay fursado halis ah oo ay goolal ka dhalin kartay.

Daqiiqadii 13-aad ayay Ac Milan heshay rikoodhe kadib markii khalad lagu galay xiddiga Zlatan Ibrahimovic kaas oo u Istaagay in uu laagto rikoodhada.

Zlatan Ibrahimovic ayaa laagtay laakiin Goolhayaha Inter ayaa ka qabtay ka hor inta uuna kubadii ka soo booday shabaqa dhex dhigin.

Kooxda Ac Milan ayaana sidaas hogaanka ugu qabatay ciyaarta iyada oo uu Zlatan Ibrahimovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Ac Milan ayaan halkaas ku joogsan iyaga oo cadaadiska sii saaray kooxda Inter Milan kuwaas oo dhankooda qaadayay weeraro fiican.

Daqiiqadii 16-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 2-aad kadib markii uu Zlatan Ibrahimovic mar kale goolka u dhaliyay una dheereeyay hogaanka ciyaarta kana dhigay 2/0.

Kooxda Inter Milan ayaan iska dhiibin natiijada waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay ciyaarta ugu soo laaban karaan.

Daqiiqadii 29-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddigooda ugu fiican ee Romelu Lukaku kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Labada kooxood ayaan wixii intaas ka dambeeyay wax goolal ah kala dhalin inkasta oo ay sameeyeeen fursado fiican oo cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Ac Milan guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda ay jaarka yihiin ee Inter Milan.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*