Zinedine Zidane ayaa qirtay inaysan u badnayn inuu qabto shaqada Manchester United, isagoo sheegay inuu ka caga jiidayo inuu ka shaqeeyo England oo ay tahay arrin muhim ah.
Tababaraha reer France, ayaa shaqada ka maqnaa tan iyo markii uu ka tagay labaad ee Real Madrid 2021, waxaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxo sare oo ay ku jirto United.
Si kastaba ha ahaatee, Zidane ayaa horay u diiday in aanu ku biiri doono kooxda ka ciyaarta premier League sabab la xidhiidha luuqada oo ku adag.
52-sano jirkaan ayaa yiri: “Miyaan doonayaa inaan aado Manchester [United]? Waan fahmayaa Ingiriisi, laakiin si fiican uguma hadli karo, Waan ogahay inay jiraan macalimiin taga naadiyada iyagoon ku hadlin luqadda, laakiin waxaan u shaqeeyaa si ka duwan”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Waxyaabo badan ayaa ciyaarta u soo gala si ay u guulaystaan, waa xaalad caalami ah. Waan ogahay waxa aan u baahanahay si aan u guuleysto”.
Be the first to comment