Zinedine Zidane Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Real Madrid & Juventus Oo Sabab U Ah.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa diiday in uu meesha ka saaro ku biirista kooxda Juventus si uu tababare ugu noqdo kooxda reer Italy markii wax laga waydiiyay ku laabashadiisa.

Zidane ayaa la hadlay saxaafada kadib guushii 3/1 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaadhay Liverpoo kulan ka tirsanaa tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Tababare Zidane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Juventus waxa ay ku jirtaa qalbigayga, sababta oo ah waxa aan ku qaatay 5 sano, Juventus-na wali waa ii muhiim”ayuu u sheegay Sky Italia.

“Waan arki doonaa in aan tababare u noqdo Juventus iyo in kale”ayuu sii raaciyay Zidane.

Warkan ayaa sii xoojinaya wararka Juventus la xidhiidhinaya Tababare Zidane kuwaas oo raadinaya tababare ay ku badalaan Andrea Pirlo kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka Ma Jeclaatay Wiil Baraha Bulshada Aad Iska Barateen, Ma Doonaysaa In Uu Ku Jeclaado Oo Uu Waliba Qalbigiisa Ku Siiyo, 5-tan Wado Raac, Qalbigiisa Ayaad Dagaysaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*