Zinedine Zidane Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday In Uu Tababare U Noqdo Man United.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday in uu tababare ugu noqdo kooxda Man United.

Man United ayaa marar badan lala xidhiidhinayay tababaraha reer France iyada oo sanadihii ugu dambeeyay ku dhibaatootay in ay hesho tababare heer caalami ah.

Zidane ayaa mar walba oo ay Man United doonayso tababare cusub ku jiray liiska tababarayaasha lala xidhiidhinayo Red Devils laakiin zidane ayaa mar walba iska diiday u dhaqaaqista United.

Waraysi uu siiyay wargayska MARCA, Zidane ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday kooxda Man United mar walba oo ay doonto saxiixiisa si uu u hogaamiyo kooxda.

“Miyaan dooni lahaa in aan tababare u noqdo Man United? waan fahmayaa luuqada Ingiriisiga, laakiin kuma fiicni, waan ogahay in ay jiraan tababarayaal taga kooxaha iyaga oo aan si fiican ugu hadlin luuqada laakiin anigu waxa aan u shaqeeyaa si ka duwan kuwaas”.

“Anigu waxa aan u shaqeeyaa qaab kale waana arinta aan u baahanahay in aan guulo ku gaadho”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*