Zinedine Zidane Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Karim Benzema, Sidee Ayay Wax U Soo Gaadheen?

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa ka warbixiyay xaalada weeraryahanka kooxdiisa ee Karim Benzema kadib kulankii Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga.

Karim Benzema ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah kadib markii uu gool dhaliyay mar kalena caawiye ka noqday kulankii ay Los Blancos 2/0 uga badisay kooxda Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Laakiin xiddiga ayaa la arkayay isaga oo ka cabanaya muruqa dambe ee lugta Midig kadib markii badal lagu saaray daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Kadib Ciyaarta ayaa zidane wax laga waydiiyay xaalada Karim Benzema waxana uu ku jawaabay” Benzema waxa soo gaadhay jug, waxa laga yaabaa in uu kaliya dareemayo daal, laakiin wuu fiicanyahay”.

Zidane ayaa wax laga waydiiyay in uu ciyaari doono kulanka xiga ee kooxda waxana uu ku jawaabay”Waxba kama garan karo haatan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*