Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Sababta Ay Achraf Hakimi Ugu Ogolaatay In Uu Ku Biiro Inter Milan.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay go’aankii ay Real Madrid xiddiga Achraf Hakimi uga iibisay kooxda Inter Milan.

Achraf Hakimi oo Amaah ku qaatay Borussia Dortmund 2-dii sano ee la soo dhaafay ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Inter Milan isaga oo heshiiskiisa lagu dhawaaqi karo saacadaha soo socda.

Ku biirista Achraf Hakimi ee Inter Milan ayaa wal-wal ku keentay qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka xiddiga laakii Zidane ayaa sheegay in ay labada dhinacba ka faa’iidi doonto arintaas.

“Achraf Hakimi Waa xiddig Real Madrid ah laakiin wax walba way dhici karaan haatan”ayuu tababaruhu yidhi.

“Waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed fiican kooxdu waxa ay ka fiirsatay 2 dhinac kuwaas oo kala ah dhanka dhaqaalaha iyo dhanka ciyaaraha”.

“Haatan waxa la gaadhay wakhtigii laga hadl lahaa, waxa laga yaabaa in ay arimo cusub ka soo baxaan saacadaha soo socda laakiin anigu waxa aan ka hadlayaa dhanka ciyaaraha”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*