Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Sergi Ramos Ee Real Madrid.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa kalsooni ku qaba in Sergio Ramos uu dhawaan qalinka ku duugi doono heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono kooxda ku ciyaarta Bernabue.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa muhiim ka ah kooxda reer Spain laakiin aan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda isaga oo si xor ah uga tagi doona kooxda.

Sergio Ramos ayaa wadahadalo la furi kara kooxaha doonaya saxiixiisa bisha January laakiin Zidane ayaa la sheegayaa in uu filayo in uu Ramos qalinka ku duugo heshiiska cusub.

“marka uu xiddigu doonayo in uu sii joogo kooxda wax badan ayay la macno tahay, Ramos-na waxa aan arkaa in uu doonayo in uu sii joogo kooxda sanado badan”.

Ramos ayaa 3 gool dhaliyay 13 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan waxana uu ka mid yahay xiddigaha taariikhda ku leh kooxda.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*