Zinedine Zidane Oo Bilaabay Nadiifin Kooxdiisa Ah & 6 Xiddig Oo Uu Suuqa Dhigay Oo La Ogaaday.

Kooxda Real Madrid ayaa u tartamaysa laba koob kuwaas oo kala ah champions League iyo Horyaalka La Liga iyada oo kooxda Zinedine Zidane ku guulaysan karto laabdaas koob ama midkood xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaan samayn saxiixyo waaweyn sanadihii ugu dambeeyay waxana si weyn loo filayaa in ay samayso saxiixyo waaweyn marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Erling Haaland & Kylian Mbappe ayaa ka mid ah saxiixyada waaweyn ee lala xidhiidhinayo Los Blancos xilli uu Zidane doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa xilli ciayareedka dambe.

Laakiin Los Blancos ayaa marka hore ku qabsan in ay iska fasaxdo xiddigo haatan kooxda jooga kuwaas oo aan ka mid ahayn qorshaha tababare Zidane.

Sidaas darteed Tababare Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu isku diyaarinayo in uu kooxdiisa ka diro ugu yaraan 6 xiddig marka la gaadho suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigahaas waxa ka mid ah Lucas Vazquez, Isco, Martin Odegaard, Eden Hazard, Dani Ceballos & Luka Jovic kuwaas oo dhamaantood ku dhibaatoonaya kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*