Zinedine Zidane: Kulankii Real Madrid & Osasuna Ma Ahayn Kulan Kubad Cagta Ah Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si adag uga hadlay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay Osasuna kana tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Zinedine Zidane ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican iyaga oo ku fashilmay in ay 3-da dhibcood ka helaan kulanka laakiin tababare Zinedine Zidane ayaa aamisan in ay khalad ahayd in la ciyaaro kulanka gabi ahaan.

“Waxa aan ula macaamilnay si xun, waxa aan qabanay wixii aan qaban karnay”ayuu Zinedine Zidane yidhi.

“Ma ahayn kulan badan cagta ah sababta oo ah garoonka Baraf ayaa fadhiyay waxana ay ahayd in la baajiyo laakiin haatan waa laga gudbay”ayuu sii raaciyay.

“Xaaladu ma ahayn mid ku haboon kulanka waxana ay ahayd in la baajiyo laakiin haatan waxa sida ay u dhacday”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*