Ziendine Zidane: Waan Jecelahay Paul Pogba Laakiin…

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa qirtay jaceylka uu u qabo Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba.

Paul Pogba ayaa todobaadkii hore qortay jacaylka uu u qbao u ciyaarista Real Madrid iyo in ay tahay riyadiisa ku biirista Los Blancos.

Zidane ayaana haatan yiri” Waxa aan horay u sheegay in Paul Pogba yahay Xiddif fiican, laakiin waxa aan sidaas ka sheegi karaa xiddigo kale”.

“Waan jecelahay ma jirto wax intaas ka badan oo aan shegi karo, waxa aan sheegi karaa in uu yahay xiddig fiican laakiin waa xiddig u ciyaara Man United”.

“Dhamaadka xilli ciyaareedka waan arki doonaa xiddigaha iman doona Real Madrid iyo xiddigaha ka tagi doona laakiin ma odhan karo Real Madrid waxa ay la soo saxiixan kartaa Paul Pogba”.

Sii Akhriso: XASAASI: Xildhibaanada Reer Somaliland Ee Muqdisho U Shaqatagy Oo La Soo Dareerinayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*