Zidane: Waan Ka Daalay In La Ii Sheego In Ay Real Madrid Ku Badisay Sabab La Xidhiidha Garsoorayaasha.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si kulul uga hadlay su’aal la waydiiyay kuna saabsanayd in ay garsoorayaashu Real Madrid ka caawiyaan in ay guul gaadho.

Kooxda hogaaminaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa ka faa’iiday dhawr go’aan oo ay garsoorayaashu qaateen tan ilaa markii dib loo bilaabay horyaalka laakiin Zidane ayaa sheegay in ay kooxdiisu u baahantahay in ay hesho ixtiraam intaas dheer.

“Waxa aan ka daalay in aan maqdlo in aanu ku badino sabab la xidhiidha garsoorayaasha”ayuu Zidan yidhi ciyaarta kadib.

“Marna isma badalayso laakiin xiddiguhu waxa ay u qalmaan in la Ixtiraamo”.

“Ma jirto cid naga jeedinaysa u jeedkeena oo ah in aanu ku guulaysano horyaalka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*