Zidane Oo Shaki Giliyay Mustaqbalkiisa Real Madrid , Maxaa Soo Kordhay?

Tababare Zidane ayaa ka hadlay tuhunka dul saaran mustabalkiisa Real Madrid inkastoo madaxweynaha kooxdaas uu dhawaan sheegay in aan la dhayalsan karin kaalinta Zidane ee Real

Perez oo la weydiiyay waxa ka jira in Zidane uu doonayo in uu baxo marka xilli ciyaareedka uu dhamaado ayaa yiri ” ma qiyaasi karo sida xaalka Real noqonayo xilli ciyaareedka dambe iyadoo Zidane joogin”.

Zidane ayaa kulan wareed ku yiri ” ma aqaan waxa dhici doona bil gudaheed ama laba bil”

“Waxaan doonayaa in aan xilli ciyaareedka si wacan ugu dhameysano , ka dib ayaan arkeynaa waxa dhaca , haatan kaliya waxaan diiradad saarayaa kulamada inoo haray”.

Real ayaa beri la ciyaareysa kooxda Real Betis oo ay wada leeyihiin kulan ka tirsan wareegga 32-aad ee La Ligaha

Hadalka Zidane ayaa imaanaya xilli dhawaan ay soo baxeen warar ah in Perez uu doonayo in tababare Mourinho dib ugu soo celiyo kooxda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*