Zidane Oo Kashifay Sababtii Uu U Ciyaarsiin Waayay Eden Hazard Kulankii Granada Inkasta Oo Uu Kaydka Ku Jiray.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay sababtii uu Kaydka ugu dhaafay xiddigiisa Eden Hazard kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay Kooxda Granada.

Los Blancos ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Granada kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga iyaga oo uga mahad celinaya xiddigaha Benzema iyo Casemiro.

Xiddiga Eden Hazard ayaa ku bilowday kaydka kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu muudo uga maqnaa kooxda xilli ciyaareedka.

Waxa la filayay in uu xiddigu ugu yaraan daqiiqado ciyaaro laakiin Zidane ayaa kaydka ku iloobay dhamaan ciyaarta.

Kadib dhamaadka ciyaarta ayaa la waydiiyay sababta uu Eden Hazard u soo galin waayay ciyaarta inkasta oo uu ku jiray kaydka.

Zidane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma ahayn kulan munaasib ku ah in uu Hazard ciyaaro sababta oo ah waxa ay ku noqon lahayd khatar”.

“Sidaas darteed waxa aan go’aansaday in uuna ciyaarin marka loo eego in uu kulanku ahaa mid jidh ahaan adag”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*