Zidane Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Xiddigaha Kooxdiisa U Sheegay Bixitaankiisa

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa la hadlay saxaafada kadib guushii Real Madrid ee Athletic Bilbao isaga oo wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa Real Madrid.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in uu Tababaruhu isaga tagi doono Real Madrid dhamadka xilli ciyaareedkan laakiin tababaraha ayaa beeniyay wararkaas.

Xitaa waxa jira warar sheegaya in uu tababaruhu xiddigaha kooxdiisa u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Sideen ugu sheegi karaa ciyaartoydeyda inaan baxayo? waa been, waligay marna u sheegi doonayo iyaga in aan bixi doono dhamaadka ciyaareedkan,waxa aan kooxda la joogi doonaa ilaa kulanka ugu dambeeya kadib wixii dhaca waan arki doonaa”ayuu Zidane yidhi.

“Si joogto ah ugama hadli karno mustaqbalkayga, waxa arintaas ka muhiimsan waa kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*