Zidane Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Messi Ee Barcelona , Miyuu Doonayaa In Uu Baxo Mise, Ramos-na Wuu Soo Hadal Qaaday”

Tababare Zidane ayaa shaaca ka qaaday in uu rajeynayo in daaficiisa Ramos uu saxiixo hishiis cusub .

Ramos ayaa hishiikiisa Real ku siman yahay dhamaadka xilli ciyaareedkaan illaa iyo haatan labad dhinac islama meel dhigin hishiis ku aadan in laacibka warqadda iyo qalinka is dulsaaro.

“Waxaan rajeynayaa in El Clasico ah beri uusan Ramos u noqon kiisii ugu dambeeyay , waxaana rajeynayaa in uu nala sii joogo”

Sidoo kale Messi ayuu ka hadlay kaasi oo isna hishiiskiisa Barcelona uu dhamaanayo xagaagaan ” waxaan isna u rajeynayaa in uusan kulankaan beri u noqon kiisii ugu dambeeyay”.

“Waxaan doonayaa in Messi uu baaqi ku sii ahaado Barcelona , halkaan ayuu ku wacan yahay sidoo kale La Ligaha ayuu u wacan yahay”.

“Barcelona xaalkooda waa uu wacan yahay balse awood ayaan uga hor tagayaa waxaan isku dayaynaa in aan kubadda ka qabsanno”ayuu sii raaciyay Zidane

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*