Zidane Oo Gacanta Taagay , Miyuu Ka Tagayaa Real Mise?

Tababaraha real Madrid ee Zidane ayaa qiray in Chelsea ay mudnaayeen in ay u soo gudbaan  finalka Champion-ka

Chelsea ayaa xalay Real oo lugta labaad wareegga 4-ta marti ugu aheyd waxa ay uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah .

Wargeyska AS ayuu Zidane ka yiri “Ciyaartooydii xalay aan safay diyaar ayay u ahaayeen kulanka , waa in aan ku faannaa waayo isku day badan ayay sameeyeen”

Mar wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa ayuu xusay in uusan hubin in  Real  uu kala sii qeyb gali doono tartamada qaaradda yurub.

” Haatan horyaalka ayaan ka fikarayaa, waxii jira banaanka ayay imaanayaan” ayuu sii raaciyay Zidane

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in haddii Zidane rela horyaalka ku hogaamin in la fasixi doono xilli haatan loolanka Ligaha meel wacan uu marayo .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*