Zidahe Oo Sheegay Wakhtiga Lagu Kala Bixi Doono Horyaalka La Liga.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sheegay in aan wali lagu kala bixin horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa 2 dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka La Liga kadib mar ay guul ka gaadheen kooxda Espanyo kulan ka tirsanaa todobaadkii 32-aad ee horyaalka.

“Anigu kama hadlayo in aan ku guulaysanayno horyaalka sababta oo ah horyaalka waxa la go’aamin doonaa ama lagu kala bixi doonaa maalinta ugu dambaysa ee horyaalka”ayuu Zidane yidhi.

“Bal eeg sida ay u adagtahay in lala ciyaaro kooxaha ugu hooseeya horyaalka”.

“Marna ma qiran kartid ku guulaysiga horyaalkan”.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*