Halyeygii kubadda cagta Brazil, Zico ayaa sheegay in Neymar uu leeyahay hibbo ka badan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Zico ayaa arrintan ka sheegay doodda ku saabsan dhaxalka Neymar.
Wuxuu sheegay in inkastoo Neymar yahay ciyaaryahan aad u hibbo badan, haddana uusan lahayn dadaalka iyo xirfadda joogtada ah ee ay muujiyaan Messi iyo Ronaldo.
Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii halyeyga Manchester United, Wayne Rooney, uu sheegay in Neymar uusan ka tirsanayn jiilka Messi iyo Ronaldo.
Zico oo la hadlay ESPN (sida ay soo xigatay GOAL) ayaa yiri:
“Anigu waan taageeraa. Ilaahay wuxuu Neymar siiyay hibbo uu siiyay dad aad u yar”
“Dunidan aan ka hadlayo—waa Messi, Cristiano Ronaldo, iyo Neymar. Saddexdaas waa kuwa ugu sarreeya. Laakiin labada kale waa xirfadlayaal aad u heer sareeya.”
Wuxuu sii raaciyay in Neymar uusan si fiican uga faa’iidaysan hibadiisa:
“Kubaddu wax walba ayay siisay, taas ayaana dhibka ah. Laakiin hibbo ahaan? Wuxuu ka badan yahay qof kasta. Muddo hadda ah, ma uusan garan sida ugu fiican ee uu uga faa’iidaysan karo.”
Zico ayaa sidoo kale ka hadlay dhaawacyada Neymar:
“Waxay ku xiran tahay xaaladdiisa. Haddii uu ciyaaro 10 kulan oo xiriir ah, markaas ayaa si dhab ah loo qiimeyn karaa. Laakiin 2–3 sano ee u dambeeyay, goorma ayuu sidaas sameeyay? Ma uusan sameyn.
“Dhibaatadu waa caafimaadkiisa, dhaawacyaduna way sii bateen.”
Neymar, oo hadda ku laabtay kooxdiisii hore Santos FC, ayaa laga saaray liiska ugu dambeeyay ee xulka Brazil.
Tan iyo markii uu dhaawac culus soo gaaray bishii October 2023, Neymar oo 34 jir ah wuxuu ciyaaray kaliya 35 kulan tartamada oo dhan.
Be the first to comment