Yves Bissouma Mise Renato Sanches? Liverpool Oo Go’aansatay Xiddiga Ay U Dhaqaaqi Doonto.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay mudnaanta siiso u dhaqaaqista saiixa xiddiga  kooxda Lille ee Renato Sanches halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen saxiixa xiddiga Brighton & Hove Albion ee Yves Bissouma.

Reds ayaa baadi goob ugu jirta qad dhexe oo cusub ka dib markii uu ka tagay Georginio Wijnaldum waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo badan tan ilaa markii uu furmay suuqa xagaaga.

Liverpool ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga Atletico Madrid Saul Niguez, laakiin xiddiga reer Spain ayaa haaan ku dhaw Barcelona isaga oo heshiis isku badalasho ah ugu biiri doona kooxda.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Liverpool ayaa doorbideysa Sanches halkii ay u dhaqaaqi laheyd Bissouma taas oo Arsenal u furaysa u dhaqaaqista xiddiga kooxda Brighton.

Sanches ayaa dhaliyay hal gool wuxuuna caawiyay seddex kale 23 kulan oo uu saftay kooxda Lille xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo sidoo kale si fiican u ciyaaray tartanka Euro 2020.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*