Youri Tielemans Oo Dalbaday In Uu Ku Biiro Liverpool

Xiddiga kooxda Leicester City ee Youri Tielemans ayaa kooxdiisa ku riixaya in uu ku biiro inta lagu jiro suuqa xagaagan laakiin Leicester City ayaa dalbanaysa lacag dhan 64 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa kooxda Liecester City ku hogaamiyay FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore waxana uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tartankii euro 2020.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool xiiso u qabto saxiixa xiddiga Youri Tielemans si ay uga dhigto badalka Georginio Wijnaldum.

Wargayska Voetbal24 ayaa sheegaya in uu xiddigu doonayo in uu ku biiro kooxda Liverpool isaga oo kooxdiisa ku riixaya in ay ka iibiso Reds xagaagan.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay dhankeeda diyaar u tahay in ay bixiso lacagta ay Leicester City ku qiimayso xiddiga ee 64-ka milyan si ay u hesho saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*