Hordhac: Young Boys Vs Man United : Kooxda Ole Gunner Waa Ay Ku Fiican Yihiin Sida Loo Garaaco Kooxaha Swiss-ka Ka Socda

Man United ayaa kulankaan galeysa iyadoo xilli ciyaareedkaan ay wataan Ronaldo oo xagaagaan dib ugu soo laabtay kooxda Man United ka dib markii uu ka soo huleelay Juventus

Xogta Kulanka

*Young Boys waa ay guul dareysteen kulamadii hore ee tartamada yurub ee ay ka hor tageen United, waxa ay fashilmeen laba jeer oo Group-yada ah waxa ayna aheyd 2018/2019-kii

* Man United waa ay badiyeen %50 kulamada Champion-ka ee ay la ciyaareen kooxo ka socda dalka Swiss , 4 guul , laba bar bar dhac iyo laba guul darro ah ayay wataan  waxa ayna kulamadaas yimaadeen dhamaan wareegga Group-ka champion-ka waliba ay ka hor tagayeen kooxda Basel.

*Dhamaan tartamada yuurb , Young Boys waxa ay kaliya guuleysteen hal kulan 8-dii kulan ee ay la ciyaareen kooxo ka socda Ingriiska , hal bar bar dhac iyo 6 guul darro ayay wataan

*Man United waxa ay kaliya guul dareysteen hal kulan furitaanka Champion-ka qeybana ka ah 21-kii kulan ee ugu dambeeyay, 13 guul  7 bar bar dhac ah ayay wataan , kulankaas waxa ay ku hor kufeen PSV oo 2/1 ku garaacday waxa ayna aheyd xilli ciyaareedkii 2015/2016-dii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*