Enrique Masip, oo ka tirsan guddiga ciyaaraha ee Barcelona, ayaa sheegay in Lamine Yamal uu la kulmi doono dhibaato kulanka El Clasico ee soo socda ee Real Madrid, kaas oo dhici doona fiidnimada Axadda ee soo socota, garoonka Santiago Bernabéu, kana tirsan horyaalka La Liga.
Masip ayaa wareysi uu siiyay wargeyska AS ee Isbaanishka ku yiri:
“Lamine Yamal wuu ku adkaan doonaa kulanka El Clasico, sababtoo ah wuxuu ka hor imanayaa koox weyn, balse wuu jecel yahay caqabadaha iyo kulamada adag. Wuxuu horey u muujiyay taas, waxaana had iyo jeer ugu fiican marka uu muujiyo sixirkiisa garoonka.”
Mas’uulka Barcelona ayaa intaa ku daray isagoo yiri:
“Anigu walwal kama qabo Yamal, waan ogahay sida uu u leeyahay maskax tartan ah. Shaki igagama jiro inuu noqon doono mid xaaladdiisa ugu fiican marka uu kasoo laabto dhaawaca. El Clásico waa El Clásico, waa kulan aan lagu cabbiri karin wixii hore u dhacay ama xaaladda kooxaha waqtigaas. Real Madrid-na iyaguna ma aha xaaladdoodii ugu fiicnayd, waa xaalad isku dhow.”
Markii laga hadlayay saameynta dhaawacyada ee kooxda Barcelona ku yeelan karaan kulanka, wuxuu yiri:
“Waa inaan ku kalsoonaano ciyaartoyda fursadda heli doona, taasina waa astaanta geesinimada iyo halyeeynimada. Real Madrid waa mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan adduunka, waxaana kula ciyaaraynaa garoonkooda, waa tartan nooca aan jecelnahay, waxaana u dagaallami doonaa guusha.”
Be the first to comment