Yamal Oo Hurdo La’aan Ku Ridaya Real Madrid Ka Hor Kulanka El-Clasico.

Wargeyska Isbaanishka ah ee “Mundo Deportivo” ayaa shaaciyay in xiddiga da’da yar Lamine Yamal uu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ay Real Madrid ugu cabsi badan tahay, taasoo sabab u ah tirooyinkiisa cajiibka ah iyo qaab ciyaareedkiisa go’aaminaya marka uu wajaho kooxda cad.

Wargeysku wuxuu sheegay in Yamal, oo 18 jir ah kana soo baxay akadeemiyada La Masia, uu hadda ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kubada cagta adduunka, Inkasta oo uu la tacaalayo dhaawac bowdada ah, haddana xilli ciyaareedkan wuxuu ku lug lahaa siddeed gool toddobo kulan gudahood — isagoo dhaliyay saddex gool isla markaana caawiyay shan kale.

Sidoo kale wargeysku wuxuu tilmaamay in Real Madrid ay tahay mid ka mid ah kooxaha uu ugu waxyeellada badan yahay Yamal, maadaama uu saddex gool ka dhaliyay taas oo la mid ah goolashiisa uu ka dhaliyay Granada, Athletic Bilbao, iyo xulka Faransiiska.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in celceliska goolasha uu Yamal ka dhaliyay Real Madrid xilli ciyaareedkii hore uu ahaa 0.43 gool kulan kasta, taas oo ka sarreysa celceliskiisa guud ee 0.33. Inkasta oo uu si taxaddar leh ugu ciyaaro Los Blancos, haddana wuxuu weli yahay mid halis ah marka uu gaaro goolka.

Sidoo kale warbixintu waxay muujisay in Lamine Yamal uu yahay ciyaaryahanka ugu guulaha badan dhinaca gambiska ee horyaalada waaweyn Yurub, isagoo leh celcelis dhan 7.38 gambis 90 daqiiqo oo kasta taasoo uu kaga sarreeyo xiddigo waaweyn sida Vinícius Júnior iyo Kylian Mbappé.

Wargeyska ayaa ugu dambeyn xaqiijiyay in Yamal uu ku galayo El Clásico-ga soo socda isagoo niyad sare leh, kadib markii uu caddeeyay inuu yahay mid ka mid ah hubka ugu khatarsan ee Barcelona marka ay wajahayso Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga