Viktor Gyokeres ayaa sheegay in garoonka qalalan ee Emirates Stadium uu qayb ka ahaa sababta keentay guuldarradii 2-1 ee Arsenal ka soo gaartay AFC Bournemouth Axaddii.
Gyokeres ayaa barbaro u keenay kooxda Gunners qaybtii hore isagoo rigoore dhaliyay, kadib markii Junior Kroupi uu Bournemouth hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 17aad.
Laakiin kooxda uu maamulo Mikel Arteta ayaa si weyn looga awood roonaaday qaybtii labaad, waxaana ugu dambayn lagu ciqaabay markii Alex Scott uu dhammeystiray weerar qurux badan oo Bournemouth ah, isagoo si deggan uga dhaliyay goolhaye David Raya.
Waxay ahayd bandhig kale oo liita dhanka weerarka ah oo ay sameeyeen Gunners, kuwaas oo sameeyay kaliya saddex darbo oo bartilmaameed ahaa intii ciyaartu socotay.
Weeraryahanka reer Sweden Viktor Gyokeres, oo fursad fiican seegay daqiiqadihii ciyaarta isagoo kubad dibadda u tuuray, ayaa sheegay in qallaylka garoonka (biyo yari) uu caqabad ku noqday dadaalkii kooxdiisa.
“Waxaan helnay fursado qaar dhammaadkii ciyaarta,” ayuu Viktor Gyokeres u sheegay BBC Sport kadib ciyaarta.
“Run ahaantii garoonku wax yar ayuu qalalayay, taasina nagama caawin.”
“Laakiin sidaan sheegay, dhammaanteen waa inaan si ka fiican u ciyaarnaa oo aan ka faa’iidaysannaa fursadahayaga.”
Be the first to comment