Yaab: Real Madrid Halkan Xiddig Ugu Hambalyaysay Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka Sanadkan

Kooxda Real Madrid ayaa si cad adduunka ugu sheegtay in haatanba xiddigeda Karim Benzema la gudoonsiiyo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka kadib markii uu xulka France ku hogaamiyay tartanka UEFA Nations League.

Karim Benzema ayaa dhaliyay gool qurux badan xulkiisana ku soo celiyay ciyaarta kadib markii uu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad tartankii UEFA Nations League.

Real Madrid ayaa bogeeda Twitter-ka ku qortay” Hambalyo Xulka France iyo dhamaan taageerayaashooda ku guulaysiga Koobka UEFA Nations League, sidoo kale Hamblayo xiddigeena cajiibka ah ku guulaysigiisa Ballon d’Or”.

Majalada France Football ayaa shaacisay Jimcihii xiddigaha u tartami doona abaalmarinta waxana ka mid ah 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*