Yaab: Pep Guardiola Oo UEFA Iyo FIFA Ku Eedeeyay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Leicester City Community Shield-ka.

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa eed u soo jeediyay xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA iyo xidhiidhka yurub ee UEFA Kadib guuldaradii kooxdiisa Man City ka soo gaadhay Final-kii Community Shield-ka ee ay la ciyaareen kooxda Leicester City.

Man City ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay wembley kaan tirsanaa tartanka fuirtaanka xilli ciyaareedka ee Community Shield-ka.

Pep Guardiola oo la hadlaya wargayska manchestereveningnews ayaa yidhi”Waxa aan imanaynaa sidii xilli ciyaareedkii hore wakhti dambe sababta oo ah xidhiidhka UEFA Iyo FIFA namaysiin wakhti nagu filan ka tababarayaal ahaan ama xiddigo ahaan si aan u nasano”.

“Axada waxa iman doona 7 ilaa 8 xiddig kuwaas oo ku jiray karantiil, xiddigo badan oo kooxdayda ah kaliya waxa ay qaateen 2 ama 3 tababar laakiin waxa aan isku daynay in aan helno natiijooyinka inkasta oo aan ognahay in aanan ku jirin xaal fiican waxa aan soo bandhigi doonaa waxa aan awoodno”.

“Sidee ayay xiddigu diyaar u noqon karaan kaliya 3 ilaa 4 tababar oo kaliya, waxa ay ahayd in aan helno 4 ilaa 5 todobaad oo tababar ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*