Yaab: Mohamed Salah Oo Seegaya Kulanka Xulkiisa Ee Mauritania, Sabab.

Xiddiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanak xulkiisu la ciyaari doono xulka Mauritania

Tababaraha xulka qaranka Masar ee Hossam Hassan ayaa xaqiijiyay in uu Salah seegi doono kulanka Mauritania ee is reeb-reebka koobka Adduunka.

Tababare Hossam Hassan ayaa sheegay in uu Salah seegi doono kulanka Mauritania isla markaas u diri doonaan Liverpool.

Sababta uu Hossam Hassan sheegay in uu Salah ku seegi doono ayaa ah garoon xumida dalka Mauritania oo ay marti u noqon doonaan.

Salah ayaa heli doona 7 maalin oo uu ku nasto ka hor inta uuna bilaaban tababarka iyo kulamada kooxdiisa Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga