YAAB: Koox Dalab Rasmi Ah Oo La Yaab Leh Ka Gudbisay Lionel Messi.

Heshiiska Lionel Messi ee Barcelona ayaa dhacay haatana waa xiddig xor ah inkasta oo uu madaxweynaha Kooxdu xaqiijiyay in uu Leo sii joogi doono kooxda.

Xiddiga reer Argentina waxaa hareeyay dalabyo, gaar ahaan maadaama uu haatan yahay koox la’aan isla markaana uu koox kasta ugu saxiixi karo lacag la’aan.

Koox reer Brazil ah ayaa ka faa’iideysatay booska Messi, waxayna u dirtay dalab rasmi ah iyaga oo dalabka u mariyay Twitter-ka laakiin arinta la yaabka ah ayaa ah in kooxda dalabka ka gudbisay Lionel Messi lagu naanayso “kooxda ugu xun adduunka”.

Kooxda reer Brazi Íbis Sport Club ayaa ka ciyaarta heerka hoose ee horaalka dalka Brazil wax guul ahna ma gaadhin muddo 3 sano iyo 11 bilood ah waxana ay dalab Rasmi ah u direen Messi.

Faah-faahinta heshiiska ee ay kooxdu u soo bandhigtay Lionel Messi ayaa ah mid la yaab leh maadama ay doonayso in ay xiddiga ka saxiixato heshiis 15 sano ah waliba ay mushahar ku siin doonaan goolasha uu dhaliyo xiddigu.

Sidoo kale kooxda ayaa heshiiska ku dartay shardi ah in uuna Lionel Messi dhalin goolal badan sababta oo ah arintaas waxa ay sabab u noqonaysaa in la kansalo heshiiska uu kula jiro kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*