YAAB: Jurgen Klopp Oo Kashifay Booska Ay Kooxdiisu Doonayso In Ay Kaga Dhamaysto Premier League Kadib Bar-Barihii Man United

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay kooxdiisu u dagaalamayso wixii haatan ka dambeeya ku dhamaysiga kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier Leageu si ay ugu soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Liverpool ayaa kulankii 4-aad oo xidhiidh ah bilaa guul ah kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda Man United iyaga oo kaalinta 4-aad u dhaadhacay.

Liverpool ayaa haatan 5 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 9-aad ku jirta ee West Ham xilli ciyaareed adag oo ay Reds Ku jirto.

“Waxa aan haatan si cadaan ah ugu dagaalamaynaa sidii aan ugu soo bixi lahayn champions League kuna dhamaysan lahayn kaalinta 4-aad”ayuu Klopp yidhi.

“Waxa aan ognahay in aan qabsano shaqaeena waxana muhiim ah in aan u soo baxno champions League xilli ciyaareedka dambe”.

“Waan ogahay in uu xilli ciyaareedkan adagyahay tartanka 4-ta boos ee ugu sareeyya horyaalka premier League sidaas darteed waxa naga go’an in aan kaalinta 4-aad ku dhamaysano”ayuu Klopp sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*