YAAB! Gareth Bale Oo Iska Seexday Intii Ay Socotay Kulankii Real Madrid La Ciyaaraysay Alaves.

Xiddiga Gareth Bale ayaa mar kale ka maqnaa shaxda Real Madrid kulankii Alaves isaga oo aan xitaa kaydka ka soo kicin si uu isku kululeeyo waxana ay kamerooyinku qabteen isaga oo iska seexday intii ay ciyaartu socotay.

Xiddiga reer Wales ayaa la Arkay isaga oo ku jiifa kuraasta garoonka Estadio Alfredo Di Stefano waliba Indhaha saartay Af qariskii loogu tala galay in uu Afka ku qariyo.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddigu iska raaxaysanayay intii ay ciyaartu socotay waliba aan warba ka hayn sida ay ciyaartu u socotay.

Xiddiga ayaa gabi ahaan ka baxay qorshaha tababare Zidane isaga oo aan xitaa ku amrin in uu sameeyo tababar is kulaylin ah intii ay ciyaartu socotay.

Xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaan ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay  iyada oo la filayo in uu isaga tago kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*