Yaab: Daawo Hadalkii Dhexmaray Daafaca Xulka Colombia Ee Yerry Mina Iyo Goolhayaha Argentian ee Emiliano Martínez Intii Lagu Jiray Rikoodhayaashii Kulankii Semi-final-ka Copa America.

Xulalka Colombia iyo Argentina ayaa ku kala baxay rikoodhayaal kulankii Semi-final-ka tartanka Copa America iyada oo uu xulka Argentina iska xaadiriyay Final-ka kadib markii ay badiyeen.

Labada xul ayaa ku kala bixi waayay ciyaarta iyaga oo 90-kii daqiiqo iyo waliba 30-kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta ku dhamaystay bar-baro 1/1 ah.

Kadib waxa ay labada xul isla aadeen rikoodhayaal taas oo uu ugu dambayn xulka Argentina ku guulaystay iskana xaadiriyay Final-ka Copa America ee sanadka.

Intii ay socotay rikoodhadu waxa ay sheeko la yaab leh dhexmartay labada xiddig ee u kala ciyaara labada xul ee Yerry Mina Iyo Emiliano Martínez.

Garoonka ayaa bilaa taageerayaal ahaa sidaas darteed waxa si fiican loo maqlay hadalkooda iyada oo uu daafaca Yerry Mina ku diganayay Goolhaye Emiliano Martínez ka hor intii uuna rikoodhada ka qaban.

Sheekada labada xiddig dhexmartay ayaa u dhacday sidan hoos ku qoran:

Emi Martinez: Yerry Mina, waad wel-welsantahay sow ma ahan?

Emi Martinez : waan arki karaa in aad wel-welsantahay

Emi Martinez : Kubadu waxa ay kuula muuqataa mid weyn adiga sow m ahan?

Emiliano Martínez: Waan Ogahay meesha aad u laadaysid kubada.

Emiliano Martínez: Daawo sida aan u qabanayo kubadaada.

1 Comment

  1. Dad waaweyn ayaa tihiine beenta maxaa idinku wato, meeyay 2da hadal ee aad ciwaanka ku sheegteen, meeye Yeri Mina hadalkiisa mise page’ka ayaad ku qurxisaneysaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*