Yaab: Barcelona Oo Aan Xilli Ciyaareedka Cusub Wada Diwaan Galin Karin Messi, Aguero & Dpay, Sabab.

Xaalada dhaqaale xum ee kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay marayso meeshii ugu xumayd iyada oo aan kooxdu xitaa diwaan galin karin xiddigaha Lionel Messi, Sergio Aguero iyo Memphis Depay xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay shabakada Goal, Barcelona ayaa aad u dhaaftay xadiga mushaharka ee shaqaalaha kooxda waxana uu xidhiidhka La Liga cadaadis ku saarayaa in ay yareeyaan mushaharka.

Xiddigaha Eric Garcia & Emerson ayaa dhankooda ku soo biiray kooxda laakiin sidoo kale lama diwaan galin karo xilli ciyaareedak cusub ilaa ay kooxdu iska dirto xiddigaha kooxda qaar ka mid ah.

Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha kooxda kuwa aan ku jirin qorshaha tababaraha waxana ay doonayaan sidoo kale in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga Lionel Messi kaas oo xor noqday.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa dhamaan saxiixyada ay samaysay ku hesho qaab xor ah marka laga reebo xiddiga Emerson oo ay lacag yar ka bixisay saxiixiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*