YAAB: 9 Dalab Ee Uu Lionel Messi Ka Dalbaday Si Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixo Oo La Ogaaday.

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu dalbaday sagaal dalab oo u baahan in la fuliyo ka hor inta uusan u saxiixin heshiis cusub kooxda Barcelona.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa ka tagay Barcelona sanadkii 2021 sabab la xidhiidha dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo ay wajahaysay kooxdu.

Xiddiaga ayaa ku biiray kooxda PSG markii uu dhacay heshiiskiisa Barcelona isla markaas ay labada dhinac ku heshiin waayeen qandaraas cusub.

Messi ayaa maamulka kooxda u gudbiyay 9 dalab oo muhiim ah sida laga soo xigtay El Mundo madaxweynaha Barcelona ayaana diiday dhamaan dalabkaas.

Waxa uu Messi ka dalbaday Barcelona waxa ugu muhiimsanaa 3 sano oo heshii cusub ah, in qol gaar ah loo sameeyo isaga, Suarez iyo qoysaskooda, in miiska loo saaro 10 milyan oo Guno heshiis kordhinta ah.

In Meesha laga saaro lacagta lagu xidho bur-burinta heshiiskiisa cusub, In dib loo siiyo lacagaha mushaharka uu kooxda ka daayay wakhtigii uu jiray xanuunka Korona.

In kor loogu qaado mushaharkiisa marka laga qaado cashuurta ay qaado dawlada Spain, In ay kooxdu bixiso mushaharka shaqaalihiisa gaarka ah iyo in walaalkiisa la siiyo lacago gaar ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*