Yaa U Baahan Messi!!: Xog Muujinaysa In Ayna Barcelona Waxba U Noqon Bixitaankii Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Dhibaatadii ku hareeraysnayd Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa u muuqata mid si ku meel gaadh ah ku dhamaatay kadib guushii ay ka gaadheen Levante ee 3/0 ahayd taas oo uu sidoo kale ugu soo laabtay Ansu Fati goolna u dhaliyay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in kooxda Ronald Koeman ayaa xilli ciyaareedkan La Liga ku bilaabatay si ka fiican xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay haysteen Lionel Messi.

Barcelona ayaa heshay 12 dhibcood iyada oo ciyaartay 6 kulan xilli ciyaareedkan marka loo bar-bar dhigo in ay heleen kaliya 8 dhibcood kulamadii ugu horeeyay ee 6-da ahaa ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka goolasha Barcelona ayaa dhalisay 11 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan laakiin xilli ciyaareedkii hore wakhtigan oo kale waxa ay dhaliyeen kaliya 10 gool.

Laakiin dhanka difaaca Barcelona ayaa laga dhaliyay in ka badan hal gool intii laga dhaliyay wakhtigan oo kale xilli ciyaareedkii hore iyada oo laga dhaliyay 5 gool halka xilli ciyaareedkan laga dhaliyay 6 gool.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*