Yaa Soo Qabanaya: Lionel Messi Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Gool Dhalinta La Liga

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay kooxda Huesca.

Messi ayaa si hoos ku bilowday xilli ciyaareedkan laakiin haatan hogaaminaya gool dhalinta horyaalka La Liga xillii ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay ta ilaa bilowgii sanadka 2021.

Lionel Messi ayaa haatan 3 gool ka horeeya xiddiga ugu dhaw ee Luis Suarez kaas oo dhaliyay 18 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Villarreal ee Geard Moreno kaas dhaliyay 15 gool isaga oo la goolal ah xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha U Tartamaya Gool Dhalinta Horyaalka La Liga:

No.XiddigaKooxdaDa’daXulkaGoolasa
1.Lionel MessiBarcelona33Argentina21
2.Luis SuárezAtlético Madrid34Uruguay18
3.Gerard MorenoVillarreal28Spain15
4.Karim BenzemaReal Madrid33France15
5.Youssef En-NesyriSevilla23Morocco14
6.Alexander IsakReal Sociedad21Sweden12
7.Roger MartíLevante30Spain11
8.José Luis MoralesLevante33Spain10
9Mikel OyarzabalReal Sociedad23Spain10

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*