Yaa Ku Xooggan Baacsiga Saxiixa Jules Koundé ,Real , United, Arsenal Iyo Chelsea?

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa daboolka ka qaadaya kooxda ku dhaw saxiixa daafaca Sevilla ee Jules Koundé

Laacibkaas 22 sano jirka  a ee u dhashay France ayaa wada si xooggan u wada doonaya kooxaha Chelsea, Real Madrid , Arsenal iyo Man United kuwaasi oo haminaya in ay xagaagaan helaan

Wargeyska ABC ee Spain ayaa haatan qoraya  in Chelsea tahay kooxda sida weyn ugu dhaw in ay ku guuleysato saxiixa Jules Koundé

Jules Koundé ayaa heer ciyaareed wacan la soo bandhigay kooxdiisa xilli ciyaareedkii soo dhamaday waana midda keentay in saxiixiisa loo waasho.

Chelsea waxaa uga baxeysa soo xero gilinta laacibkaan aduun dhan 55 milyan oo gini waana qiimaha kooxda reer Spain ay ku dhagan tahay  si  ay u fasaxaan 22-sano jirkaan .

Jules Koundé , ayaa heer ciyaareedkiisa wacnaa waxa ay keentay in looga yeero qaranka France ee haatan ka qeyb galaya koobka qaramada Yurub 2020-ka

Guud ahaan Sevilla waxa uu  xilli ciyaareedkii hore u saftay 49 kulan dhamaan tartamada waxa uu dhaliyay 4 gool halka 4 kalana uu sameeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*