Yaa Iska Celin Kara? Shaxda Waali Ah Ee Barcelona Ku Ciyaari Doonto Xilli Ciyaareedka Kadib Saxiixa Robert Lewandowski

Inkasta oo la sheegayo in ay dhaqaale xumo haysato hadana kooxda Barcelona ayaa smaaysay saxiixeedii 4-aad ee suuqa xagaaga iyada oo la soo wareegtay xiddiga Robert Lewandowski.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan suuqa xagaaga iyada oo ilaa haatan la soo wareegtay xiddigaha Raphinha, Robert Lewandowski, Christensen iyo Kiessie.

Xavi ayaa haysta ku dhawaad kooxdii uu doonayay in uu xilli ciyaareedka dambe ugu tartamo koobabka kala duwan ee ay kooxdu ka qayb gali doonto.

Barcelona ayaa u muuqta kuwo dhisaya koox laga cabsado waliba cabsi galinaysa kooxaha La Liga iyo waliba kooxaha champions league xilli ciyaareedka dambe.

Kadib dhamaystirka saxiixa Robert Lewandowski waxa la soo saaray sida ay noqon karto shaxda Barcelona xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigaha Dembele, Robert Lewandowski iyo Raphinha ayaa hogaamin doona weerarka waxana ay sidoo kale haysan doontaa kayd adag oo ay ku badasho ciyaarta qaybta dambe.

How Barcelona could line up with Raphinha, Robert Lewandowski - Abbeyfeale Golf Club