Xulka Spain Oo Xasuuqay Slovakia & Sweden Oo Garaacay Xulka Poland Kaalinta 1-aadna Kaga Soo Baxay Group-ka

Xulka Spain ayaa xasuuqday xulka Slovakia kulan dhinac kaliya ahaa waliba Spain gaadhay guushii ugu weynayd ee tartanka Euro 2020 laga gaadho ilaa haatan dhanka kale xulka Poland ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Sweden.

Xulka Spain ayaa kulanka ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay gaadhaan guul ay u baahanyihiin si ay ugu soo baxaan wareega xiga ee tartanka.

Xulka Slovakia ayaa dhankooda ku bilowday qaab difaac ah iyaga oo iska difaacayay dar-darta xulka Spain ku bilowdeen ciyaarta.

Xulka Spain ayaa daqiiqadii 5-aadba halis galiyay xulka Slovakia kadib markii uu Morata isku dayay in uu dhaliyo gool laakiin Goolhayaha xulka Slovakia ayaa badbaadiyay fursadaas.

Daqiiqadii 11-aad ayaa xulka Spain loo dhigay rikoodhe kadib markii khalad lagu galay xiddiga Koke waxana rikoodhada u istaagay xiddiga Alvaro Morata ayaa si lama filaan ah xulka qarankiisa uga khasaariyay fursadaas.

Xulka Spain ayaa daqiiqadii 39-aad helay goolka 1-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay goolhayaha xulka Slovakia ee Martin Dubravka kaas oo hogaanka u dhiibay xulka Spain.

Xulka Spain ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolasha waxana ay daqiqiadii 45+3-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana madax u dhaliyay xiddiga Aymeric Laporte kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Spain maamulayay ciyaarta wax walbana ka sameeyay kulanka waliba dhaliyay 2 gool kadib qaab ciyaareed wareer ah oo ay soo bandhigeen.

Qaybtii dambe ayuu xulka Spain ku bilwoday si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta waliba dhaliyaan goolal ay ku hubiyaan in uuna xulka Slovakia ku soo laaban karin.

Daqiiqadii 56-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pablo Sarabia kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 uu xulka Spain ku hogaaminayay ciyaarta.

Xulka Spain ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 67-aad dhaliyeen goolkii 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo dhaliyay markii ugu horaysay ee uu kubada taabtay.

Wiilasha Luis Enrique ayaa dhamaystiray ciyaarta daqiiqadi 71-aad iyaga oo uu xiddiga Slovakia ee Juraj Kucka si khaldan uga dhaliyay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 5/0 uu xulka Spain ku hogaaminayo ciyaarta.

Dhanka kale xulka Sweden ayaa garaacay xulka Poland iyaga oo ku badiyay 3/2 sidaasna kaalinta 1-aad ugu soo baxay Group-kooda halka uu xulka Spain ku soo baxay kaalinta 2-aad.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*