Xulka Spain Oo Halis Ugu Jira In La Ganaaxo Sabab La Xidhiidha Lamine Yamal

Wargeyska “Bild” ee ka soo baxa Germany ayaa soo wariyay in xulka qaranka Spain laga yaabo inuu bixiyo ganaax ay ugu wacan tahay ka qayb galka xiddigooda da’da yar, Lamine Yamal, ee Koobka Qaramada Yurub, “Euro 2024.”

Germany ayaa martigelinaya Koobka Qaramada Yurub, waxayna u muuqataa in sharciga shaqada ee Germany uu dhibaato gelin karo Spain sababtoo ah ciyaaryahankeeda da’da yar ee Lamine Yamal.

Lamine Yamal, oo 16 jir ah, ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo si weyn u caawiyay xulkiisa ilaa haatan.

Wargeysku wuxuu sharxay sida uu dhigayo sharciga Germany dadka da’doodu ka yar tahay 18 jir, hadday yihiin Jarmal ama ajnabiba, looma ogola inay shaqeeyaan 11 habeenimo ee wakhtiga Germany.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in sharcigan loo sameeyay in lagu ilaaliyo dhalinyarada laguna xadido ka faa’iidaysiga,sidaas darteedna qofkii sameeya uu bixin doono ganaax dhan 30 kun oo euro.

“Bild” ayaa intaa ku dartay in xiriirka Isbaanishka uu muteysan karo ganaaxan sababtoo ah Lamin Yamal ka qeyb galka ciyaaraha dhamaanaya wixii ka dambeeya 11 Habeenimo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga