Xulka Spain Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Xulka Georgia, Wakhtiga Dhimashada Ayay Gool Dhaliyeen.

Xulka qaranka Spain ayaa guul dirqi ah oo wakhti dambe ah ka gaadhay xulka Georgia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka ee labada xul.

Xulka Spain ayaa ciyaarta ku bilowday si xun iyaga oo qaybtii hore u ciyaaray si aad u liidata taas oo fursad u siisay in uu xulka Georgia u ciyaaro si fiican.

Xulka Georgia ayaa ciyaarayay kubad orod ah taas oo dhibtay xiddigaha xulka qaranka Spain kuwaas oo dhanka kubad haysashada maamulayay ciyaarta.

Daqiqiadii 43-aad ayuu xulka Georgia ka yaabsaday xulka Spain kagana hor maray goolka furitaan iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Khvicha Kvaratskhelia kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa

Xulka Spian ayaa isku dayay in ay ku soo laabtaan ciayara waxana ay qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn laakiin xulka Georgia ayaa si fiican u difaacday goolkooda kuna dhintay ilaalinta goolka ay lama filaanka ku dhaliyeen.

Waxa isdaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Georgia hogaaminayo dhanka natiijada laakiin xulka Spain ku fiicnaa dhanka qaab ciyaareedka.

Qaybtii dambe ayuu xulka Spain ku bilowday qaab dar-dar leh iyaga oo raadinayay sidii ay ugu soo laaban lahaayeen ciyaarta.

Daqiiqadii 56-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 uu xulka Spain ciyaarta ugu soo laabtay.

Xulka Spain ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolal kale halka xulka Georgia sii wadeen difaacasho ay bar-baraha ilaashanayeen.

Xilli ay u muuqatay mid ciyaartu ku dhamaan doonto bar-barahaas ayuu xulka Spain daqiiqadii ugu dambaysay dhaliyay golka guusha wax walbana ciayarta ka badalay.

Daqiiqadii 90+2-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Dani Olmo kaas oo ciyaarta ka dhiga 2/1 uu xulka Spain ku hogaaminayo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Spain guul ka gaadhay xulka Georgia oo xiddig kaadhka cas looga saaray daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*