Xulka Spain Oo Garaacay Italy Iskana Xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League

Xulka qaranka Spain ayaa iska xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League kadib markii ay garaaceen xulka Itly kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Italy 10 xiddig ku dhamaystay qaybtii dambe kadib markii xiddiga Leonardo Bonucci loo taagay kaadhka cas ee toosk ah.

Xulka qaranka Spain ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ahaa midka fiican iyaga oo wax walba ka samaystay xulka Italy oo aan ku jirin qaab ciyaareed fiican.

Daqiiqadii 17-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliya xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xiddiga Ferran Torres oo ahaa xiddiga ugu fiican ciyaarta waliba qaab ciyaareed fiican soo bandhigay ayaa daqiqiadii 45-aad dhaliyay goolka 2-aad ee xulka qarankiisa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid uu xulka Italy ahaa midka fiican xilli uu xulka Spain ciyaarayay weeraro rogaal celis ah oo uu ku doonayay in uu ku dilo ciyaarta.

Daqiiqadii 83-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lorenzo Pellegrini kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 sidaasna ciyaarta u furay.

Laakiin xulka Spain ayaa si fiican u difaacday goolkiisa isaga oo ciyaarta ku sii hayay natiijadaas sidaasna isaga xaadiriyay Final-ka UEFA Nations League.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*