Xulka Qaranka France Oo Gaadhay Guushiisii Ugu Horaysay Ee Is Reeb-Reebka Kobka Adduunka, Kazakhstan Ayay Garaaceen

Xulka qaranka France ayaa guushiisii ugu horaysay ka gaadhay difaacashada koobka adduunka ee uu ku guulaystay 2018 kadib markii uu garaacay xulka qaranka Kazakhstan kulankoodii 2-aad ee is reeb-reebka koobka adduunka.

Xulka France oo bar-baro ku bilowday is reeb-reebka ayaa markan gaadhay guul muhiim ah oo ay talaabo ugu qaadeen u soo bixista koobka adduunka lagu qaban doono dalka Qatar sanadka 2022.

Xulka France ayaa ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo xulka Kazakhstan ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn kuna doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan ciyaartana hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 19-aad ayuu xiddiga Barcelona ee Ousmane Dembele dhaliyay goolka 1-aad ee xulka France isaga oo hogaanka u dhiibay u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Xulka Kazakhstan Ayaa ku dhibaatooday in ay halis dhanka weerarka ah ku keenaan xulka France kuwaas oo ay daafacyadoodu la kulmin halis adag oo ay ku difaacdaan goolkooda.

Daqiiqadii 44-aad ee ciyaarta ayuu xulka France mar kale dhaliyay gool waxana markan si khaldan goolkiisa kubada u dhex dhigay xiddiga xulka Kazakhstan ee Serhiy Malyi kaas oo xulka France u dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Qaranka France ku qabsaday shaqadiisa qaybta hore waliba dhaliyeen laba gool kana badin kareen intaas.

Qaybtii dambe ayayna ciyaartu waxba iska badalin laakiin Kylian Mbappe ayaa badali karay kadib markii loo dhigay rikoodhe xulka qaranka France laakiin Goolhayaha Kazakhstan ayaa si qurux badan uga badbaadiyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France sidaas ku gaadhay guushiisii ugu horaysay ee is reeb-reebka koobka adduunka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*