Xulka Qaranka England Oo Garaacay Xulka Albania Guushoodii 2-aad Oo Xidhiidh Ahna Ka Gaadhay Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka England ayaa guushii 2-aad oo xidhiidh ah ka gaadhay kulamada is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo markan garaacay xulka Albania.

Xulka England ayaa maamulayay ciyaarta dhanka kubad haysashada laakiin xulka Albania ayaa halis badan galiyay daafacyada xulka England xilli ay raadinayeen goolal ay kaga naxsadaan xulka Tunka weyn.

Xulka Albania ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah xilli ay Xulka England u daayeen maamulista ciyaarta iyo kubad haysashada xilli ay weeraro halis galiyay sameeyeen.

Xulka Albania ayaa dhawr jeer ku dhawaaday in ay England ka dhaliyaan weeraro rogaal celis ah oo ay qaadeen xilli daafacyada xulka England ku jireen feejignaan dheeraad ah.

Daqiiqadii 38-aad ayuu xulka England dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay Weeraryahanka Harry Kane kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay 1/0.

Xulka Albania oo iska caabiyay xulka England ayaa u diiday in ay dhaliyaan goolal intaas ka badan qaybtii hore ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka England natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba hogaaminayay ciyaarta laakiin Albania ay iska caabin kala hor tagtay.

Qaybtii dambe ayuu xulka England ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta kana fogaadaan lama filaan ay kala kulmaan xulka Albania.

Daqiiqadii 63-ad ayuu xulka England dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka qaranka England gaadhay guushii 2-aad oo xidhiidh ah kulamada is reeb-reebka koobkaa dduunka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*